SOMALI VOICE OF NEW ERA PROGRAM NO 1110


[PDF]SOMALI VOICE OF NEW ERA PROGRAM NO 1110...

3 downloads 131 Views 225KB Size

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

SOMALI VOICE OF NEW ERA PROGRAM NO 1110 THRU-THE BIBLE SERIES, THE FIRST LETTER OF JOHN CHAPTER 4:6-10 Halkani waa raadiyo Transworld oo idinku soo dhowaynaya barnaamij tafsiir ah oo soconaya muddo nusa-saac ah. Waxaana barnaamijkan Codka Waayaha Cusub ee waxbaridda ah idiin soo diyaariya Masiixiyiin Soomaali ah, waxaana laga maqlaa barnaamijkan habeenka Isniinta ilaa iyo habeenka jimcaha, saacaddu markay tahay 7:25ka fiidnimo, mawjadda 31ka miterband. OPENING SINGNATURE TUNE UP 25 SEC. AND UNDER. Mar kale ayaannu dhegaysatayaal idinku soo dhowaynayaa barnaamijka, waxaannu horey idiinku sii wadaynaa daraasaadka aynu ka soo xiganayno kitaabka qoduuska ah ee aynu ugu magac-darnay, "Dhex-marka Kitaabka Qoduuska ah." Waa barnaamij aad ku baranaysaan kutubta Babaylku uu ka kooban yahay, haddii ay ahaan lahaayeen kutubtii Axdigii Hore iyo kutubta Axdiga Axdiga Cusub oo ay Injiilladu u horreeyaan. Waxaannu ku jirnay Warqaddii kowaad ee rasuul Yooxana. Warqaddan kowaad ee rasuul Yooxanaa waxaa ku badan baraarujinta, wax-barista iyo hoga-tusaalaynta masiixiyiinta aan weli ku gaamurin hadalka, laakiin wakhti ku soo jiray masiix-nimada. Waxaannu soo gaarnay qaby ka hadlaysa ruuxyada sharka ah iyo jinniyada, waxaana lagu yaqaannaa in mid waliba oo lagala hadlo in Masiixu jidh ahaan dunida ku yimid aanay ka daadegaynin. Rasuul Yooxanaa oo arrinka hoga-tusaalaynaya masiixiyiinta ayaa wuxuu leeyahay, sida ku qoran Warqaddiisan kowaad 4:4, waxaana qoran sidatan: "Carruurtiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira." SONG:REEL----------CUT---------1

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

Markii noogu dambaysay waxaynu ku talax-tagnay sida lagu aqoonsado macallimada beenta ah, oo rasuul Yooxanaa ayaa wuxuu inoos heegay oo uu leeyahay: “Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.” Waxaanan idiin sheegnay in asbaabtii Ilaah ku diiday Qaabiil inay ahayd inuu ahaa kuwa dunida. Ma ahayn in mirihiisu ay ka xun yihiin neefkii xoolaha ahaa, oo waxaaban is-leeyahay mirihii beertiisa ayaa ishu qabanaysay marka loo eego allabbarigii dhiigga ahaa ee Haabiil. Ha yeeshee Ilaah wuxuu aqbalay allabbarigii Haabiil waayo wuxuu allabbarigaasu waafaqsanaa dembiilenimada dadka iyo in dadku u baahan yihiin Badbaadiye. Qaabiil taas garasho uma lahayn, oo jidhku isaga un baa isku kalsoon, laakiin kuma kalsoona Ilaah. Waxaana kitaabku leeyahay, "Wixii jidhka raacaa waa jidh, wixii Ruuxa raacaana waa ruux." Rasuul Yooxanaana wuxuu daboolka inooga qaadayaa arrinka ahmiyadda leh oo ah in Ciise Masiix uu yahay kan uu sheegtay inuu ahaa. Waana arrin aynu u baahan nahay inaynu hubantidiisa ogaanno si aynu ku garanno in waxbaridaha qaar ay dhab yihiin iyo in kale. Haddaan horey idiinku sii wadno dhegaystayaal meeriska cutuka 4aad,ayaannu imminka idiin akhrinaynaa aayadda 6aad, baalka 419 ee Axdiga Cusub, waxaana qorniinka qoduuska ahi leeyahay sidatan: "Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah." Haddaba haddaan warka oogta ka caddeeyo, tijaabada anigu aan isticmaalo markii aan arko qof masiixinnimada soo galay ayaa waxay tahay inaan marka hore eego inuu u hoggaansamo waxbarista kitaabka Qoduuska ah. Kuwa aan is-kibrinaynin, oo jecel Ciise Masiix, waxaa lagu yaqaan inaanay ka hor imanin masiixyiinta hawsha Ilaah wadda. Balse kuwa neceb masiixyiinta way madax-adag yihiin, waxaana lagu 2

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

garanayaa bilowgaba in iyagu ay yihiin kuwo amarka diida, oo aan dadka hadalka la qaybsanayana xurmaynin. Dadka u yimaada inay maqlaan khudbadda hadalka Masiixa, waxay mar waliba jecel yihiin mucaaradidda. Balse carruurta Ilaah mar waliba waxay ka jawaabaan hadalka. Waxaanan ku kalsoonahay in carruurta Ilaah ay mar waliba maqli doonaan ama yeeli doonaan hadalka Ilaah. Kuwa aan doonaynin inay maqlaan hadalka, iyagu maahan kuwii Ilaah, oo kiniisadduna kuma xirna kuwa aan ahayn kuwii Ilaah, ookaalmo ka dooni mayso. Waxaannu garanaynaa in reer binu Israa'iil ay garbahooda ku qaadi jireen Sanduuqa Axdiga. Sanduuqa Axdigana wuxuu u taagan yahay Ciise Masiix, oo haddii aynu doonayno inaynu Masiixa dunida u geyno, waa inaynu garbahayaga ku qaadno. Waxaase farxad iyo qalbi-qaboojin inoo leh in kuwa Ilaah ay maqlayaan Hadalka Ilaah. Culimada Masiixana saaxiib been looma sheegi karayo marnaba. Rasuul Yooxanaa wuxuu aad iyo aad u garanayey kan Ciise Masiix ahaa. Wuxuuna ogan karay sida ku qoran Injiilka sida Yooxanaa u qoray 1:14: "Hadalkuna wuxuu noqday jidh, oo waa ina dhex joogay, oo waxaynu aragnay ammaantiisii taasoo uu ekayd tan wiilka keliya ee nimco iyo run ka buuxa." Mar kalena wuxuu leeyahay rasuul Yooxanaa, sida ku qoran isla injiilka ku magacaaban 20:30-31, waxaana qorniinku leeyahay sidatan: "Haddaba waxaa Ciise ku sameeyey xertii hortooda calaamooyin kale oo badan oo aan ku qornayn kitaabkan. Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magaciisa idinkoo rumaysanaya." Rasuul Yooxanaa wuxuu haystay yiqiin iyo caddaymo aan la loodin karin, wuxuuna garanayey in kuwa masiixyiinta ah, haba ugu horreeyeen kuwa wakhtigan noole, inay u baahan yihiin in runtaas ama hubaasha Masiixa ee khusaysa cidda uu ahaa ay ogaadaan. 3

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

Haddaan intaas ku soo ekayno maaddadii ugu horraysay ee ahayd digniinta laynaga siiyey macallimada beenta ah, ayaannu imminka isla eegaynaa maaddada kale ee ah: IN ILAAH JACAYL YAHAY, IYO IN KUWA MASIIXIYIINTA AH AY ISJECLAADAAN Si markaa aynu arrinka khuseeya kitaabka wax kaga ogaanno ayaannu imminka idiin akhriyeynaa Warqaddii kowaad ee rasuul Yooxanaa 4:7, baalka 419 ee Axdiga Cusub, waxana qoran sidatan: "Gacaliyayaalow, aynu is-jeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan." Waxaa rasuul Yooxanaa imminka leeyahay, "Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno." Su'aashu waxay noqonaysaa maxaa laysku jeclaanayaa?" Waxaa laysku jeclaanayo ama jacaylka laysugu muujinayo ayaa waxay tahay in mid waliba oo jacayl ku jiro uu Ilaah ka dhashay. Bal aynu ka taxaddarno waxa Ilaah halkan inoogu sheegayo. Wuxuu inooga soo digay macallimada beenta ah ee ay tahay inaan la jeclaan- Bal tan aan idin hoga-tusaaleeyo. Marnaba u ducayn maayo kuwa sharka leh, waxaanse u ducaynayaa kuwa Ilaah iyo dembiileyaasha lumay oo u soo leexanaya Masiixa haddaan eraya la qaybsado. Maaddaama rasuul Yooxanaa uu ina siiyey digniin khusaysa macallimada beenta ah, Yooxanaa wuxuu ku soo noqonayaa mwduucii hore, oo ahaa in masiixiyiintu ay is-jeclaadaan, ee uu horey uga soo hadlayey intaanu soo gelin digniinta macallimada beenta ah. Mar kale, erayga uu rasuul Yooxanaa isticmaalay imminka maahan erayga Giriigta ah ee Eros, oo jacaylku maahan KII BOORAME BARBARIYO HARGAYSIYO, KII BANAADIR NAGU HELAY. Waxaa qaybtan loo isticmaalayaa jacaylka nafta ama Ruuxa oo Giriig ahaan noqonaya Agape. Maahan jacayl ku imanaya laab-lakac, mana ahan mid la mid ah kii ninkii fannaanka ahaa ku heesay, markii uu lahaa: "Aan isiri ma 4

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

daysaa, mise waa doogsiisaayee, dadow, dadow, dadow maxaad ku taliday." Welibana maahan jacaylka guurka, waa jacayl rabbaani ah, waana jacaylka Ruuxa Qoduuska ahi geliyey niyadaheenna, oo Ruua Ilaah ayaa niyadaheenna hubaal uga dhigi kara jacaylkaas isaga ah. Waa jacaylka Ilaah, oo Ruuxa Ilaah ayaa ina awoodsiin kara inaan jacaylkaas garsiinno dadka kale. Mana ahan jacaylka ad saaxiibbadaa u hayso, kuwaasoo aad jeceshahay inaad had iyo goorba la joogto. Haddaba waxay ila tahay in dad badan ay si xun u isticmaaleen aayaddan, oo waxay soo xigtaan markii ay gabdhaha shukaaminayaan. Waxaana aayaddu leedahay, "Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan." Habase yeeshee kan masiixyiinta weli aan gaamurin ay hablaha ku shukaamiyaan, maahan jacaylka halkan looga hadlayo, waxaase loo jeedaa inaynu kuwa kale jeclaanno. Waxaana la leeyahay, "Oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah." Haddaan si kale kuugu dhigo jacaylka, ayaan ku siinayaa tusaale: Ninbaa laga yaabaa inuu kuugu yiraahdo, markii aad sheekaysataan dabadeed, war ninyahow waxaan ahay nin Masiixi ah. Haddii uu ku xurmeeyo oo uu aad kuu jeclaado, adiga iyo weliba jameecada kale, waxa hubaal ah in qofkaasu masiixi yahay. Waxaa jacaylkaas salkiisu noqonayaa Sayid Ciise Masiix. Waxaanay kuugu jecl-aanayaan Hadallada aad dadka la wadaagayso iyo weliba wanaagga iyo naxariista aad uga muujisay Hadallada Ilaah. Waxaa laga yaabaa inaad wax uga bidhaamisay kitaabka Sabuuradda, markaasoo Sabuulaha oo Ilaah sifaynaya uu lahaa: "Waayo Isagu (waa Ilaahe) wuu wanaagsan yahay oo Naxariisiituna weligeedba way sii waartaa." Jacaylka masiixyiinta qaar ay is-jecel yihiin ayaa waxaa lagu gartaa ama ogaadaa inay yihiin carruur Ilaah oo mar kale ka dhalatay Ruuxa. Haddaan horey idiinku sii wado meeriska cutubka ayaannu imminkana 5

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

idiin akhriyeynaa meeriska cutubka 4:8, markaasoo rasuul Yooxanaa leeyahay: "Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl." Waxaa rasuul Yooxanaa oo Ruuxa Qoduuska ahi ka dul hadlayaa uu leeyahay: "Oo kan aan jeclayn ama raxmadda lahayn Ilaah ma yaqaan." Weli waxaa laynoo sii bayaaminayaa sida lagu soo saaro qofka aan masiixiga ahayn. Markaa jacaylka lagu weyddiisanayo maahan kan aad Aabbahaa iyo hooyadaa, iyo walaalahaa iyo xaasaskiinna jeceshihiin. Waayo kuwaasu waa qoyskiinna oo waad ku khasban tihiin inaad jeclaataan oo aad soo dhowaysaan. Waxaase lagu weyddiinayaa inaad jeceshahay jameecada kale ee masiixiyiinta ah iyo in kale. Waxaa laga yaabaa in qaarkiin aad tiraahdaan, ma jeclaan karno qof waliba, laakiin hubaal in badan oo jameecada ah waannu jecel nahay. Marka ay sidaas tahay haddaba waxaad u soo dhaqaaqday jahada wanaagsan. Waxaa jira qaar ka mid ah masiixyiinta oo aan la jeclaan karin, laakiin waa inaynu isku taxluujinno inaan kuwaas iyaga ah jeclaanno. Macnuhuna maahan inaad isku duubto, laakiin waxaa loo jeedaa inaadan nebcaan oo xagga qalbiga aad ka jeclaato ninkaas aad isku jameecada tihiin, ama aad akhwaanka wada tihiin, oo aad dhab ka dhigtaan gabaygii lahaa: "Xuseenow, akhwaan baynu nahay ehel walaalaaye." Waxaa Soomaalida lagu yaqaan in jacaylkooda iyo soo dhowaanshahoodaba uu iska burburo. Waxaa ugu wacan in jacaylkoodu uusan aasaas adag lahayn, waxaana ugu weyn haddaba aasaaska in Masiixa la rumaysto oo la qaato hadiyadda kharash la'aanta ah ee badbaadada aynu ku helnay nimcada, wixii intaas ka dambeeya jacaylkeennu wuu sii korayaa. Haddaba wuxuu kaloo rasuul Yooxanaa imminka ina siinayaa caddayn kale oo Ilaah khusaysa oo wuxuu leeyahay: "Ilaah waa jacayl." Horey 6

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

wuxuu inoogu sheegay in Ilaah nuur yahay sida ku qoran Warqaddan kowaad 1:5. Waana in Ilaah nuur yahay inoo ahaa mawduuc, ka bilaabata cutubka kowaad ilaa aynu ka soo garno cutubka 2aad, aayadda 2aad. Imminkana waxaa laynoo sheegayaa in Ilaah jacayl yahay, oo wuxuu rasuul Yooxanaa leeyahay, "Ilaah waa jacayl." Haddaba ka bilaabata 4:8-16, oo ah qadka dhexe ee warqaddan oo ka soo bilaabatay cutubka 2:3 ilaa laga soo gaaro 4:21. Marka saddexaad ee Ilaah laga bixinayo sharraxaadda ayaannu ka bilaabi doonnaa cutubka 5aad, markaasoo laynoo sheegayo in Ilaah nolosha yahay. Waxaana warqaddan kowaad laynagu siinayaa saddex caddaymood ama sharra-xaad oo Ilaah khuseeya, waana marka la leeyahay, "Ilaah waa Nuur" "Ilaah waa jacayl" Ilaah waa Nolosha." Waana saddexda qaybood ee warqaddan cutuby-adeeda loo kala dhigo ama inta ay u qaybsamayso. Waxaa rasuul Yooxanaa uu inoogu sheegayaa aayadda 18aad, iyo weliba aayadda 16aad in Ilaah jacayl yahay. Nin mufasir ah oo weyn ayaa laga qoray inuu yiri, wax kastoo kale ee kitaabka laga sheego,hal baa aniga ii xaqiiqsan, waxaana weeye in "Ilaah jacayl yahay." Haddaba waxaa jira kuwo badan oo qaxar iyo dhib u mara in dembiyadooda laga cafiyo. Waxay u jeexaan kumanaan mayl si ay mar qura u helaan inay Ilaah ka farxiyaan; markaa ma la oran karaa qofka caynkaas oo kale ah ayaa wax ka yaqaan Ilaah lagu sifeeyey inuu isaga qudhiisuba yahay Jacayl? Waxaa hubaal ah inay ka daahan yihiin amaanay ogayn in Ilaah jacayl yahay. Waxaa la ii sheegay in qaar ka mid ah Hindida ay ilmahooda ku xooraan webiga Gangis oo uu ka buuxo Yixaas daran, iyadoo taas ay u samaynayaan inay dembi-dhaaf u helaan nafsaddooda. Qofkaas oo kale miyuu garanayaa waxa jacayl yahay. Weliba dad badan oo Africa deggan ayaan garan jirin jacaylka Masiixa 7

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

intaanu kitaabka Qoduuska ahi soo gaarin. Habase yeeshee waxaa jira kuwo aan Baybalka rumaysnayn haddana isku sheegaya inay og yihiin in Ilaah jacayl yahay. Waxaanse kuwaas oo kale u sheegayaa inaan meel kale lagu muujin in Ilaah jacayl yahay, haddaanu ahayn kitaabka Qoduuska ah. Waxaanan ku aragnay laba goor oo sifaalaha Ilaah laynoo sharraxay, mid kalena way inoo soo socotaa. Markii hore waxaa laynoos heegay in Ilaah Nuur yahay, haatanna waxaa aayadda 8aad ee cutubkan afraad ee Warqaddan kowaad ee rasuul Yooxanaa laynoogu sheegay in Ilaah jacayl yahay. Weli waxaannu ku jirnaa meeriska cutubka 4aad ee warqaddan kowaad 4:9 ayaa wuxuu leeyahay sidatan soo socota: "Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey." Sidee buu Ilaah kuu jeclaaday? Jacaylkaasi ka heli maysid ama ku arki maysid dabiicadda, laakiinse waxaannu dabiicadda ama dunidan ku aragnaa dagaal iyo ilka layska rido iyo feer iyo qoorsagaaro laysku hayo--waana waxa dabiicaddu inoo muujiso. Waxaad jacaylka Ilaah ku arkaysaa iskutallaabtii Masiixa. Waana halka keliya ee aad ku arki karto Jacaylka Masiixa oo la muujiyey ama la bayaa-miyey. Waxaana rasuul Yooxanaa leeyahay, "Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey." Markii uu sidaas yeelay ayaa Ilaah jacaylkiisii ficil ka dhigay, waa markii Wiilkiisii uu noloshiisii u bixiyey innaga daraaddeen, waana caddaynta jacaylkiisa uu inoo hayo. Waa markii uu ina siiyey Wiilkiisa keliya ee dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin, laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. Bawlos oo ka hadlaya in wax lala simaa aanu jirin jacaylka Ilaaha yaa wuxuu leeyahay sida ku qoran Warqaddiisii reer Rooma 5:7, waxaana qorniinka qoduuska ahi leeyahay sidatan: "Mar dhif ah mid waa u dhintaa nin xaq ah, mindhaase qof waa ku dhici lahaa inuu nin 8

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

wanaagsan u dhinto." Haddaba inkastoo uu jiro qof qof kale u dhiman lahaa, anigu weli maanan arag qof aan u dhinto. Balse Ilaah jacaylkiisa wuxuu ku caddeeyey ama ku bayaamiyey markii uu Wiilkiisii innaga inood hintay! Wuxuuna u bixiyey in aniga iyo adigaba uu u dhinto, mana ahan in Ilaah Masiixa u soo diray wanaaggaaga awgii, laakiin waxaa Ilaah u soo diray Masiixa dembiileyaasha, oo waxaa lagaa badbaadiyey dembigaagii. Waxaana qorniinka oo taas adkaynaya uu leeyhaay sida ku qoran Warqddii rasuul Bawlos u qoray dadka reer Rooma 5:6, markaasoo rasuulku uu lahaa: "Waayo, innagoo weli itaal daran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuw aaan cibaadada lahayn." Waxaa Masiixu inoo dhintay intii aynu dembiileyaal ahayn, waxaana ugu wacan in Ilaah aad iyo aad inoo jecel yahay. Mar kale ayaa rasuul Bawlos leeyahay sida ku qoran Warqaddiisii reer Rooma 5:7, sidatan soo socota: "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiileyaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." Haddaba wixii Ilaah jacaylka uu inoogu muujiyey ama inoogu raxmaday, waa arrin isaga ka yimid ee maahan in wax wanaagsan laga dhex arkay midkaya waliba. Wax wanaagsan kuma jiraan dadka. Taasina waa runta oo qayaxan, oo rasuul Yooxanaana wuxuu leeyahay, "Ilaah wuxuu Wiilkiisa keliya ee dhashay u soo diray dunidan." Waxaa halkan yaalla aayad kale oo nin waliba ee la doonayo in la marsiiyo inaan saddexnimada Rabbaanig ahi jirin, oo ku dhego ama badbaado ugu soo cararo, ama haddaan idiin byaamiyo uu soo xigto. Waxaana weeye marka rasuul Yooxanaa uu leeyahay, "Wiilka keliya ee dhashay." Waxaanay taas muujinaysaa in Masiixu xiriir khaas ahaaneed la leeyahay Aabbaha. Maahan in la abuuray, laakin isagu wuu dhashay, wuxuuna u dhashay si Ilaah keliya uu caalin ku yahay. Ilaah wuxuu malaa'igaha oo iyagu ah makhluuq la abuuray ugu yeeray wiilashiisii. Wuxuuna ku yiri, mid waliba oo Masiixa ku kalsoonaada waa wiilashii 9

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

Ilaah, wuxuu kaloo imminka leeyahay, Sayid ciise Masiix, waa "Wiilka keliya ee dhashay." Waa wax xiiso leh in Isxaaqna uu lahaa masaal la mid ah kan Ciise waxaana la leeyahay, sida ku qoran Warqaddii Cibraaniyada loo qoray 11:17 oo leh: “Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Ixaaq allabbari ahaan ugu bixiyey. Kii ballammada aqbalay ayaa wuxuu bixinayayay wiilkiisii keliyaha." Waxaannu og-nahay in Ibraahim lahaa wiil kale, wuxuuna ahaa Cismaaciil. Waxaa kaloo uu lahaa kuwo kale oo badan oo ay u kala dhaleen dumar kale oo uu guursaday markii haweenaydiisii Saarah ay dhimatay. Isxaaq calaamado badan ayuu kala mid ahaa Ciise Masiix. Isxaaq si mucjiso leh ayaa loo uuraystay, oo waxaa Hooyadiis ay dhashay isaga iyadoo jirta in ku dhow sagaashan sannadood, Ibraahimna da' buu ahaa markii Isxaaq u dhalanayey. Haddaba jagada Ciise Masiix ku leeyahay saddexnimada Rabbaaniga ah ayaa waxay tahay inuu ahaa Wiilka daa'imka ah ee Aabbaha Daa'imka ah. Makaana ma la helayo Aabbe daa'im ah haddaanu jirin Wiilka Daa'imka ah. Welibana aabbanimada Ilaah ee Ciise Masiix maahan sida tan dadka ee ku timaa-dda isku tagga. Waxaa kitaabka laynoogu sheegayaa in Ilaah Ruux yahay sida ku qoran Injiilka sida Yoxoanaa u qoray 4:24. Waxaa Sayid Ciise Masiix inoogu sheegayaa in "Wiilka keliya ee dhashay" uu yahay Wiilka mucjisada ee Aabbaha Daa'imka ah. Waxaa rasuul Yooxanaa oo sharraxaadda aayaddii sagaalaad sii wataa leeyahay: "...si aynu ugu noolaanno isaga..." Sidee baynu ugu dhex noolaanaynaa? Waxaanu ku dhex noolaanaynaa Masiixa iyadoo ugu wacan tahay inuu innaga darteen u dhintay, oo dhimashadiisii ayaa innaga ina siinaysa nolol. Haddaan soo koobno casharka caaway ayaannu idiin akhriyeynaa aaydda 10aa ee cutubka 4aad, waxaana qoran sidatan: "Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse 10

Prog2.1110 Scripted on 18-02-05 by SOMTTB. Rec.on 21-2-05 To be aired on 07-04-05

isagaa ina jeclaaday, oow uxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaarogudka dembiyadeenna u noqdo." SONG: REEL---CUT---Halkani waa TWR, Idaacadda TWR oo idinku leh Ilaah haydin barakeeyo oo haydinku anfoco wixii aad caaway ka maqasheen barnaamijka. Waxaa barnaamij kan oo kale ah ka maqli-doontaan habeen dambe (hadahan oo kale) isla mowjaddan 25ka miterban. Haddiise aad doonaysaan inaad fikirkiinna ka dhiibateen wixii aad caaway maqasheen ayaad nagala soo xiriiri kartaan [email protected]. Waxaad kaloo waraaqaha noogu soo qortaan: P.O.Box 21514, oo koodku yahay 00505. Waxaa kaloo aan idin siin doonaa website aad ka maqashaan barnaamijyadeenna Soomaaliga ah, si kuwiinna doonaya inay koorasyo ka qaataan Baybalka ay ugu hirgasho. SIGNATURE TUNE UP 6 AND UNDER Halkani waa TWR oo idiin rajaynaya Habeen Baraare iyo barwaaqaba leh. Inta aynu ka gaari doonno wakhti aynu ku kulanno Barnaamij la mid ah kan caaway aad maqasheen, waxaan idinku leenahay nabadda Ciise Masiix, ha idiinku badato xagga jidhka iyo ruuxaba Aamiin

11